Welcome to Radio Buuhoodle

Go to English Page
Bogga Hoyga
Rayiga
Ciyaaraha
Farshaxan
Nala soo Xidhiidh


News in Audio
BBC:11:00-11:10 
BBC:14:00-15:00 
BBC:16:00-16:15
BBC:18:00-18:30


Audio Links
Radio SCERDO
Radio laascaanood
Radio Warsan
Radio Sahan
Radio Sagal
Radio Qaran
Holland Radio
Radio Sweden


Listen or Read Quran
IslamicCity

MARKACADEEY ARTS



Somali Links
Biyo kulule
Aftahan.com
Widhwidh online
Laascaanood
Nugaal Net
Togdheer
AllPuntland
WaamoNet
Buuhoodle Net
Marka Caddey
Hiiraan
Somalitalk
SomaaliNet
Banadir
Somaliland

Newslinks
Somalia News
Arab News
Aljazeera.net
BBC World



Somalia Weather

 


Farxad iyo Damaashaad – Ceelka Biyaha Buuhoodle 
Magacayga waxaa la yiraahdaa Cabdinuur Maxamed Ismaaciil. Waxaan degganahay Melbourne, Australia. 

Waxaan nasiib u helay inaan booqasho ku tagey Buuhoodle iyo agagaarkiisa bishii May ee sannadka 2005-ka, halkaas oo aan joogay muddo labo bilood ah.Aragtidii degaankaas ee taas horey iigu xigtay waxay ahayd 1987-kii. 

Waxaan ku beegmay Buuhoodle, iyadoo ay ka jirto barwaaqo ilaahay ugu deeqay ka dib markii ay dadka soo mareen xilliyo-abaareed is-dabo joog ah. Waxaan 
marar badan arkayey/maqlayey dadka oo ilaahay uga mahad celinayey nimcadaas. Waxaan soo arkay biyo balli kasta iyo berked kasta buuxiyey. 

NASIIB XUMO… waxaan soo arkay: 
Berkedihii dadka Buuhoodle deggani ka cabbi jireen oo badankoodii, dhismaha mgaalada oo fiday awgeed, magaalada soo dhex galeen ama aad ugu soo 
dhowaadeen. Waxaan aad uga tiiraanyooday dhibaatada caafimaad ee ay keeni karto cabbidda biyaha berkedahaa magaalada ku dhexyaalla oo aynu iska garan karro meesha biyahoodu ka yimaaddaan! 

NASIIB WANAAG .. waxaan aad ugu farxay: 
Jiritaanka Ceelka Biyaha Buuhoodle oo biyihiisii la gaaray. Maalinkii Ceelka Biyaha Buuhoodle biyihiisa lasoo saaray waxaan joogay Buuhoodle. Waxaanan ka mid ahaa dadkii nasiibka u helay inay dhadhamiyaan biyaha macaan ee ceelka lagasoo saaray. Waxaan oran karaa waxay biyahaasi ii ahaayeen kuwii ugu dhadhanka wacnaa ee aan weligayba dhadhamiyey. 

Maalinkii ceelku biyo-keenay dhowr cisho ka hor ayaan tegay goobta ceelka. In kasta oo ay ahayd xilli galabnimo gaaban ah, haddana waxaa si xawli leh u socotay howshii ceelka. 

Markii biyaha la gaaray ka dibna waxaan kulan gaaban la yeeshay maamulaha ceelka Xirsi Cabdi Jaamac. Xirsi oo aanu cabbaar sheekaysannay wuxuu ii sheegay in – ka sokow howlo yaryar oo dhiman - ay hadda ku dhaqaaqayeen suurto gelintii wejigii biyo-gelinta. 

Waxaynu dhammaanteen markhaati ka nahay baahida laxaadka leh ee reer Buuhoodle u qabeen biyo. Biyaha roobka oo ah kuwa aynu si toos ah ugu xidhnayn ayaa ahaa kuwo aan si joogto ah loo heli jirin. 

Dadka reer Buuhoodle ee deggan waddankan Australia, markii ay warka biyaha ceelka maqleen, si aad ah ayay ugu farxeen. Qof kasta oo aan u sheegay inaan 
anigu biyihii ceelka soo cabbayna aad ayuu ugu xiisooday. 

Ilaahaybaa mahad lehe, waxaan, anigoo ku hadlaya afka dadka reer Buhoodle ee Australi deggan, u mahad celinaya dadkii/kooxihii/hay’adihii, Ilaahay u sahlay inay Buuhoodle biyo inooga soo saaraan. 

Waxaan Ilaahay ka baryayaa in biyo-gelintuna si habsami ah u dhacdo. 
 

Abdinur Mohamed Ismail 
Melbourne – Austrlia 
abdinur1@bigpond.com

World Time Zone Calander

Contact: webmaster@radiobuuhoodle.com
Copyright © 2005 radiobuuhoodle.com, All rights reserved